Dad ku dhintay qarax ka dhacay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ugu yaraan laba ayaa ku dhimatay, lix kale waa dhaawac kadib qarax barqanimadii Khamiista maanta ah ka dhacay magaalada xadka Soomaaliya iyo Kenya dhacda ee Ceelwaaq kana tirsan gobolka Gedo.

Ibraahim Guuleed Aadan, gudoomiyaha degmadan 436 KM u jirta caasimadda Muqdisho, ayaa ayaa sheegay in weerarkan loo adeegsaday miino nooca hormuudka lagu mamaulo lagu beegsaday maqaaxi lagu iibiyo cunto.

Mr Aadan oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa daaha ka rogay in dhaawacyadda afar kamid ah ay xaaladoodu tahay mid aad u liidata.

"Qaar maskaxdaa jajaban, qaar gacmahaa jajaban, qaar lugahaa jajaban, dhankaas Kenya ayaa loo qaadayaa si loogu soo daaweeyo," ayuu shaaciyey. "Waxay u muuqataa in qaraxu ahaa mid meesha habeenkii xalay lagu sii diyaariyey".

Mehrada la qarxiyey oo burbur xoogan uu soo gaarey ayaa la sheegay in xilliyadda qaar ay ka shaaxeyn jireen Ciidamadda Xoogga ee halkaas ka howlgala.

"Maqaayad iska yar oo kuwa cooshadaha ka sameysan ayay ahayd. Kaliya shaax iyo cunto ayaa lagu iibin jiray…Walaahi ma caddeyn karo sababta loo beegsaday, laakiin kuwii cadowga ahaa [Al-Shabaab] in ay fuliyeen bay ila tahay," ayuu Aadan ku daray hadalkiisa, isagoo aan soo hadal-qaadin hadii ay sii baarayaan.

Ceelwaaq ayaa kamid ah magaalooyinka ku yaala gobolada Soomaaliya oo ay ku badan yihiin qaraxyadda lagu weeraro maqaayadaha shaaxa laga cabo.

Bishii September, 2018, tirro aan wali la cayimin ayaa ku naf-weysay markii qarax lagu weeraray isla maqaaxi ku taala Ceelwaaq. Mas'uuliyiinta waxay dhacdadaas ku eedeeyeen xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida oo aan ka hadlin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM