Dad ku nafwaayey qarax ka dhacay magaaladda Beledwayne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shan ayaa lagu dilay, todoba waa dhaawac qarax miino oo ka dhacay albaabka garoon kubada cagta oo ku yaala magaaladda Beledwayne, gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qalcadda Laqanyo ayaa xilliga uu falkaas dhacayey waxaa ka socotay cayaar kubada cagta oo qeyb ka ah tartan loo qabtay naadiadda kala duwan ee ka dhisan magaaladaas.

Saraakiisha ammaanka HirShabelle ayaa dhacdadaas ku eedeeyay Al-Shabaab oo joogitaan badan ku leh degaanada hoos-yimaada gobolka isla markaana dhowr jeer ka fulisay ficilo amni darro.

Muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshadda oo qaarkood uu arkay GO ayaa muujinaya in markii qaraxu dhacay ay dadweynaha kala carareen isla markaana uu hakad ku yimid kulankii socday.

Xalay ayay ahayd markii Al-Shabaab ay caasimada HirShabelle ee Jowhar ay ku dishay wasiirkii Beeraha ahaana mudane ka tirsan baarlamaanka maamulkaas, Cabduqaadir Abuukar Maxamuud.

Beledwayne oo uu webiga Shabeelle u kala qeybiyo Galbeed iyo Koonfur ayaa 210 KM dhanka waqooyi ka xigtaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo qaraxyadu ku badan yihiin mudooyinkii dambe.

Inta la xaqiijiyey 17 ruux ayaa ku geeriyootay, in ka badan 20 kalana waa ay ku waxyeeloobeen weerar toos ah iyo ismiidaamin Isniintii ay Al-Shabaab ku ekeysay Elite Hotel oo ku yaala xeebta Liido ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM