Dad loo qabtay dil-wadareed hooyo iyo caruurteeda loogu geystay HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle – Mas'uuliyiinta ammaanka HirShabelle ayaa shaaca ka dhigay in ay qabteen 21 qof kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen dil wadareed ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Axmed Mayre Makaraan, gudoomiyaha gobolka oo u waramay warbaahinta, ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkaas lagu soo qabtey howlgalo kala duwan oo ay ciidamadda sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay.

"Qaarkood waxaan soo xirnay kahor doorashadda. Baaritaanka waxaa naga hakiyey culeysyadaas maamulka haystay. Hadda waxaanu bilaabeynaa baaritaanka, cidii dambi aan lahayn waa lasii deyn doonaa," ayuu ku yiri wareysiga uu siiyey idaacadda maxaliga ah ee lagu magacaabo KNN.

Xilli ay baxsadeen dableydii fulisay falkaas, bishaan November 9-keeda ayay ahayd markii dil-wadareedkaas uu ka dhacay duleedka degmadda Warsheekh, waxaana la sheegay in uu salka ku hayey aanooyin qabiil.

Goobjoogeyaal khadka telefoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay wateen qoryo sidda daran-dooriga u dhaca isla markaana rasaasta u fureen si aan kala sooc lahayn.

Sidda ay tibaaxayaan warbixinadda, caruurta lagu dilay weerarkaas waxaa ku jira mid dhowaan dhashay isla markaana bolooyin qura jiray.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dhacdadaas ayaa balanqaadey in ay cawaaqibkeeda la kulmi doonto cid walba oo mas'uul ka ahayd.

Iyaddoo madaxdii maamulkaas ku mashquulsan tahay siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka, haddana shacabka ayaa dhexdooda isu-laynaya aanooyin qabiil, waxaana ugu wacan in aysan jirin dib-u-heshiis dhab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM