Dad loo soo qabtay sarkaal shalay lagu dilay Muqdishu [Dhagayso]

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Afhayeenka wasaaradda amniga ee Somalia Maxamed Yuusuf Cismaan oo saxaafada la hadlay, ayaa ka warbixiyay dad lagu soo qabtay hawgal ciidamada amnigu ka sameeyeen Muqdishu.

Dadka la soo xir xiray, waxaa ku jira laba ruux oo lala xiriirinayo sarkaal shalay lagu dilay magalada Xamar, kaasi oo ka shaqaynayay garoonka diyaadaha Aadan Cadde, kana tirsanaa wasaaradda maaliyadda Somalia.

Hawgalka ayaa laga sameyay xaafadaha magalada Muqdishu, waxaana fuliyay ciidanka NISA, kuwaasi oo guri guri u galayay xaafadaha isla markaana baarayay gawaarida jidadka maraya.

Magalada Muqdishu, waxaa inta tabadan ka dhaca dilal qorsheysan oo loo gaysto dadka haldoorka ah, waxaana ugu dambeeyay dil shalay loo gaystay Ciise Bayle iyo labo qof la dilay abuucii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM