Dad loo xiray khabiir kasoo jeeda Somaliland oo lagu dilay Muqdisho

Image
Abdinasir Dahable oo ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda duulista Soomaaliya ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin la tuhunsan yahay inuu geystay falka lagu shaqaale ka tirsanaa Hay'adda Duulista Rayidka.

Abdinasir Dahable oo ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda duulista Soomaaliya ayaa maydkiisa laga helay gurigii uu Muqdisho ka deganaa.

Marxuumka alle haw naxariiste sida la sheegay dhaawacyo u muuqda ceejo ayaa jidhkiisa ka muuqday.

WARSAXAAFADEED

Muqdisho, 18 Feb 2024. Caawa fiidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa bilaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hada ku Jira ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa.

Wa bilaahi Towfiiq


GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM