Dad loo xiray kufsi Muqdisho loogu geystay gabar gashay Imtixaankii DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey kufsi iyo dil shalay duhurkii ka dhacay degmada Waaberi ee magaala madaxda Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in marxuumadda lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax ayna ahayd 19-sano jir.

Xamdi oo ku dhalatay Ceelbur deganayedna degmada Deyniile ayaa laga soo tuuray dabaq dheer kadib markii la sheegay in lagula kacay fal kufsi ah.

Sadiiq Doodishe, afhayeenka booliska Soomaaliya oo bayaanka soo saarey, ayaa tilmaamay in dhibaha ay kamid ahayd ardaydii gashay Imtixaanka dowladda.

"Shalay 11/Sep/2020, abaare 14:00pm duhurnimo ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, waxaa Soo gaaray warbixin ku saabsan meedka gabar la dilay, gudaha Degmadaas gaar ahaan guri dabaq ah oo ku yaala Waaxda Maajo in laga Soo tuuray Marxumad Xamdi Maxamed Faarax ina Hooyo Nadar Caraale Culusow, 19 jir ah ku dhalatay Ceelbur dagan Degmada Deyniile, Marxuumada ayaa ka mid aheyd dhalinyaradii dhawaan gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee sanadkaan kuna baastay," ayuu qoraal kooban ku yiri afhayeenka bileyska.

Sidda laga soo xigtay Mr Doodishe, ciidamadda ammaanka ayaa soo qabtay afar qof kuwaasoo lagu tuhmayo dhacdadaan hadalheynta iyo walaaca abuurtay.
"Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulayo warbixintaas ayaa goobta tagay. Isla markaasna marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan biloownay baarista, aruurunta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4 Eedeysane, waxaa socota baaris qoto-dheer, waxaana si dhaw Ummadda ula wadaagidoonaa natiijada Baarista oo dhameystiran," ayuu raaciyey bayaankan nuqul kamid ah uu arkay bogga GO.

Doodishe ayaa kusoo xiray: "Ugu danbeyn. Waxaan Ummadda Soomaaliyeed, u cadeynaynaa in ay socoto baaristu dhawaana aan natiijada la wadaagidoonno, qof kasta oo ay ku cadaatana aan Cadaalada horleenidoonno, hadii alle idmo".

Falalka faroxumeynta dumarka ayaa dhif ku ahaa magaalada Muqdisho, hadii ay dhacaanna waxay ahaayeen kuwa daaha gedaashiisa lagu gaari jiray xalkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM