Dad shacab ah oo lagu laayey gobolka Galgaduud

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar Arbacada maanta ah ka dhacay degmadda Balanbale ee gobolka Galgaduud, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo dadka degaanka.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, weerarkaas waxaa ka dambeeyay maleyshiyo ku hubeysan dareeska ciidamadda Soomaaliya.

Dadkan lagu laayey degaanka Xersi Lugeey oo u dhaxeeya Guriceel iyo Balanbale ayaa lagu waramay in uu ku jiro macalin dugsi Qur'aan.

Magacyadda dadka la dilay ayaa lagu kala sheegay;

Gaarane Cawil Samatar

Cabdi Xersi Garab Kaahiye

Cabdi Yare Maxamed Aw-Faarax

Cadaawe Xersi Lugeey

Cali Dheere Xersi Cawaale

Ma cadda sababta dhabta ah ee loo beegsaday shaqsiyaadkan, balse wararku waxay xusayaan in ay salka ku hayso aanooyin qabiil.

"Dadka la khaarijiyey waxay kasoo jeedaan Guriceel, maleyshiyadda dilka ka dambeysayna waxay u dhasheen Balanbale," ayay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Mas'uuliyiin ay Xildhibaano ku jiraan ayaa cambaareeyay falkaas, waxayna cod dheer kusoo jeediyeen in degdeg loosoo qabto shaqsiyaadkii ka dambeeyay toogasho wadareedkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM