Dad shacab ah oo lagu laayey gobolka Galgaduud

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar Arbacada maanta ah ka dhacay degmadda Balanbale ee gobolka Galgaduud, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo dadka degaanka.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, weerarkaas waxaa ka dambeeyay maleyshiyo ku hubeysan dareeska ciidamadda Soomaaliya.

Dadkan lagu laayey degaanka Xersi Lugeey oo u dhaxeeya Guriceel iyo Balanbale ayaa lagu waramay in uu ku jiro macalin dugsi Qur'aan.

Magacyadda dadka la dilay ayaa lagu kala sheegay;

Gaarane Cawil Samatar

Cabdi Xersi Garab Kaahiye

Cabdi Yare Maxamed Aw-Faarax

Cadaawe Xersi Lugeey

Cali Dheere Xersi Cawaale

Ma cadda sababta dhabta ah ee loo beegsaday shaqsiyaadkan, balse wararku waxay xusayaan in ay salka ku hayso aanooyin qabiil.

"Dadka la khaarijiyey waxay kasoo jeedaan Guriceel, maleyshiyadda dilka ka dambeysayna waxay u dhasheen Balanbale," ayay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Mas'uuliyiin ay Xildhibaano ku jiraan ayaa cambaareeyay falkaas, waxayna cod dheer kusoo jeediyeen in degdeg loosoo qabto shaqsiyaadkii ka dambeeyay toogasho wadareedkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM