​Dad u dhintay Abaar ka jirta Koonfurta Somalia

Image

BADHAADHE, Somalia- Ugu yaraan 3 Qof, ayaa u geeriyooday Gaajo iyo Haraad ka dhashay Abaar ku dhufatay qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Abaarta ayaa waxay ka jirtaa Deegaanada ku yaallo inta u dhaxayso Degmooyinka Badhaadhe iyo Hoosingow, halkaasi oo dadka iyo duunyada ay u dhimanayaan Biyo iyo Cunto la'aan.

Dadka Abaartu ay dishay ayaa waxay kala yihiin Oday iyo Labo Caruur ah, kuwaasi oo ku geeryoodey Tuulo lagu magacaabo Jadeecaaley oo ku dhaw Degmada Badhaadhe, oo Al Shabaab maamusho.

Nafo Darro baahsan ayaa la sheegay inay khatar ku hayso Nolosha Caruurta Da'doodu ka yartahay iyo Dadka waayeellada ah, iyadoo Xoolahana ay u dhimanayaan Biyo iyo Baad la'aan maadaama dhulka uu qalalay, islamarkaana aysan haysan Meelo Biyo iyo Daaq ka heli karaan.

Waxaa aad u adag in Hay'adaha Samafalka Caalamiga ah Gurmad Bini'aadanimo gaarsiiyaan Goobaha ay Abaartu ku dhufatay ee Gobolka Jubbada Hoose, sababtoo ah Amni darrada iyo Al shabaab oo maamulo Deegaanada dadka ay ku dhimanayaan.

Roobka oo aan si fiican uga da'in Jubbada Hoose Xili roobaadkii lasoo dhaafey ee Gu'ga, ayaa loo aaneeyay Abaarta ka jirta Gobolkaasi, taasoo laga digayo Khatarteeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM