Dadka ajaaniibta ah ee ku nool Soomaaliya oo tirokoob lagu bilaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay cayintay 15 goobood oo dalka laga soo geli karo isla markaana ay tirokoob ku bilowday ajaaniibta ku sugan guud ahaan wadanka.

Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale [Koofi], ayaa wariyey in ay gabagabo u mareyso diiwaan-gelinta shisheeyaha jooga daafaha kala duwan ee dalka.

Sidda laga soo xigtay Mr Koofi, qorshaha tirokoobka ayay uga faa'iideysteen mudadii ay xirneyd duulimaadyada Covid-19 awadiisa.

"Caqabado way jiraan. Dad badan oo ajaaniib ah oo sharci darro dalka kusoo galay oo jooga way noo taalaa, waxaana kawada shaqeyneynaa hay'addaha iyo maamulada. Sidoo kale, Hay'adda Qaxootiga Qaranka," ayuu ka sheegay munaasabad lagu qabtay lagu qabtay Dhuusamareeb.

Hase ahaatee, masoo bandhigin tiradda illaa haatan ay liis-gareeyeen iyo hadii ay ku jiraan diblumaasiyiinta safaaradaha dalalka caalamka.

Koofi oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay in 15-ka bar-xuduudeed ay qaarkood shaqo bilaabeen, ayna haatan dhisme ku socoto hal goobood.

"Kan hadda dhismahiisu socoto oo ah bar-xudeedeedka Kheydar oo Galmudug ku aadan ayaa kamid ah waxyaabaha saddexdii bilood ee lasoo dhaafay aan aadka uga shaqeynay, waana sii wadi doonaa dhowr meelood oo Galmudug laga soo galo halkaasoo u baahan in maamulka kawada shaqeyno," ayuu xusay.

Wuxuu ku daray: "Hay'ad ahaan annaga waxaan u hadalnaa guud ahaan dalka, kama hadalno gobol gaar ah kama hadalno state gaar ah".

Sohdimaha Soomaaliya ayaa baylo iska ahaa tan iyo burburka dowladii kacaanka iyo wixii ka dambeeyay oo dagaalo sokeeye ay qarxeen. Xukuumadihii u dambeeyay waxay ku dedaaleen adkeynta amniga xuduudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM