Dadweyne ka mudaharaadey cunta la'aan ka jirta Buulobarde

Image

BUULOBARDE [ Garowe Online]- Boqlaal dadweyne ah ayaa ku mudaharaadey degmada Buulobarde oo ka tirsan gobolka Hiraan kadib markii cunaqabateyn dhinaca cuntada ah ay ku soo rogtey kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Somalia ayaa korka ka eeganyey isu-soo baxaan oo aha mid si nabad ah ku dhacayey.

Isu soo baxayaasha ayaa ku qaylinayey iney u baahan yihiin tageero deg deg ah kadib markii kooxda Al-shabaab wadooyinka ka xirtey iney soo gudbaan dhamaan gadiidka sida raashinka iyo daawooyin.

Nin magaciisa ku soo koobey Cabdiladiif ayaa u sheegey saxaafada in waxyaabaha muhiimka ah sida Daawada ciidamada AMISOM iyo shacabka diyaardo uga soo qaadaan magaalada Muqdishu.

Qiimaha Burka, Bariiska iyo Sonkorta waxaa ay kor u dhaafeen kiishkii Hal milyan oo Shilin Somali ah iyadoo baahi deg deg ah ka jirta magaaladaas, ayu yiri Cabdiladiif isaga oo la hadlaya saxaafada.

Ciidamada ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale ka cabanaya mushahar la'aan bilhii la soo dhaafey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM