Dagaal ay Diyaarado ka qeyb-qaateen oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Image

BALCAD, Soomaaliya - Dagaal faraha looga gubtay, oo diyaarado ay ka qeyb-qaateen ayaa maanta waxa uu Al Shabaab iyo ciidamada dowladda Federaalka, oo garab ka helaya AMISOM ku dhexmaray gobolka Shabeellaha dhex.

Dagaalka ayaa ka qarxay deegaano lagu magacaabo Alifow iyo Gaal-gube oo ku yaalla wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Balcad kadib markii Al Shabaab jidka u gashay Kolonyo ay wateen ciidamada.

Ciidamada la weeraray ayaa waxay isagu jireen Soomaaliya iyo Ajnabi lagu sheegay in ay Mareykanka yihiin, kuwaasi oo la kulmay weerar kedis ah xilli ay kasoo baxeen Tuulada Basra kuna sii jeedeen Balcad.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegtay in mintidiinta ay gaadiid dagaal ay ku gubeen weerarka, islamarkaana ay khasaarooyin kala duwan gaarsiisay ciidamada huwanta ah.

Saraakiisha gobolka Shabeellaha dhexe waxay sheegeen in weerarka la iska-caabiyay, oo aan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaarey ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee wehlinayay.

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa inay duqeeyeen Al Shabaab inta uu socday dagaalka, kwuaasi oo usoo gurmaday ciidamada wadada lagu helay, oo markii dambe dalbaday gurmad ciidan.

Dhinaca kale, Al Shabaab ayaa maanta dib ula wareegtay deegaanka Basra oo Todobaadkii tagey gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda iyo AMISOM, kadib howlgal ay fuliyeen, balse maanta dib uga gurtay. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM