Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Beledweyne [Dhageyso]

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Dagaal qaraar ayaa saaka ka dhacay Maroodille ee duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii Xoogaga Al Shabaab weerar ku qaadeen saldhigyo ciidanka dowladda leeyihiin.

Dagaalkan oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo baxaya warar is-khilaafsan oo ku aadan khasaaraha iyo cida heshay libinta iska-hor-imaadka dhacay.

Maxamed Cali Maxamuud oo ah ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Gudoomiyaha Beledweyne ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay dagaalka, oo uu sheegay in ciidamada iska-caabiyeen weerarka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in wax khasaaro ah dhankooda kasoo gaarey dagaalka, balse ay Al Shabaab ka dileen hal dagaalyahan mid kalena ay ka dhaawaceen. 

Al Shabaab ayaa dhankeeda war ay soo saartey ku sheegtay in ay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka kadib weerarka, kaasi oo dhaliyay khasaarooyin kala duwan oo labada dhinac iyo dadka deegaanka uu soo gaarey.

Deegaanka Maroodille, oo qiyaastii 22KM dhanka galbeed uga beegan Beledweyne ayaa xaaladiisu kacsan tahay saaka, waxayna dadka deegaanka soo sheegayaan inay socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM