Dhimasho ka dhalatay ciidamo ku dagaalamay Wanlaweyn

Image

WANLAWEYN, Koonfur Galbeed – Inta la xaqiijiyey todoba uu ku jiro sarkaal boolis ayaa ku nafweyday, laba shacab ahna way ku dhaawacmeen dagaal Khamiista maanta ah ka qarxey degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Isku-dhaca ayaa u dhaxeeya ciidamadda booliska gaar ahaan kuwa ilaaladda waddooyinka [taraafikada] iyo cutubyo Daraawiish ah kuwaasoo la sheegay in dhowaan tababar uu u soo xiray maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidda ay wararku sheegayaan, dagaalka ayaa qarxay ka gedaal markii ciidamadda Taraafikada ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen rayid iyo askar. Xabadaas waxay sababeen geerida sadex askari Daraawiish ah iyo dhaawaca laba shacab.

Lama ogga sababta keentay in ciidanka Taraafikada ay rasaaseeyaan gaariga. Balse warbixinadu waxay qeexayaan in uu ka horeeyay muran ka dhashay lacag.

Cutubyo kale oo ka tirsan Daraawiisha kuna heeb ah askarta dhimatay ayaa lagu waramay in ay kadib weerareen fariisinka ciidamadda Daraawiishta halkaasoo uu ka qarxay iska-horimaad bilowday abaare saddexdii aroornimo ee maanta.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in is-rasaaseyntaas ay ku nafwaayeen afar askari oo kamid ahaa Ciidanka Taraafikada kuna jiro Taliyahooda oo magaciisa lagu soo koobay Nuur iyo askari kale oo isna magaciisa lagu gaabiyey Cabdullaahi.

Warsidaha Garowe Online oo xiriiro la sameeyay maamulka degmadda Wanlaweyn ayay u suurtageli weyday in uu ku haleelo khadka telefoonka.

"Labada ciidanba qaab beel ayay u abaabulan yihiin Dagaalka wuxuu hadda ka socdaa isgoyska [muuri] iyo wadada magaalada loo baxo ee aada dhanka Muqdisho," ayuu yiri Maxamed Deeq Ibraahim, goobjooge u waramay GO.

Dagaal beeleedyadda iyo isku-dhacyadda dhexmara ciidamadda dowladda dhexdooda ah ayaa kusoo laab-laabtey degmadda Wanlaweyn taasoo 90 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga aadan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM