Dagaal khasaare badan geystey oo ka dhacay Shabeellada Hoose

Image

May 23, 2015 (GO)- Ugu yaraan soddon qof ayaa ku dhintey dagaal ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhex maray deegaannada Aw-dheegle iyo Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyha  Aw-dheegle Maxamed Aweys Abuukar ayaa VOA u sheegay in dagaalka oo ahaa mid culus uu bilowdey xalay saqdii dhexe markaasoo kooxo Al-shabaab ka tirsani soo weerareen fariisimo ciidamada dowladdu ku sugnaayeen.

Maxamed Aweys ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku dhinteen 19 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda isagoo xusey in dhanka Al-shabaab ay ka dileen lix iyo labaatan dagaal-yahan.

Guddoomiyaha Aw-dheegle ayaa dhanka kale sheegay in Al-shabaab ka faa'iideysatey maqnaanshaha ciidamada AMISOM oo todobaadyo kahor deegaanadaas isaga baxay.

Al-shabaab ayaa todobaadkii hore muddo kooban la wareegtey Aw-dheegle inkastoo markii dambe ay dib uga baxeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM