Dagaal khasaaro dhaliyay oo ka dhacay gobolka Bakool

Image

31 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya tuulooyinka Garasweyne iyo Mooragaabey oo qiyaastii 30 km dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa sheegaya inuu ka dhacay dagaal khasaaro badan dhaliyay oo dhexmaray ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa Ethopia iyo ururka Al-Shabaab.

Weerarka oo dhacay saaka aroortii hore, ayaa waxaa soo qaaday Xarakada Al-Shabaab, iyagoo beegsaday saldhigyo ciidamadu halkaasi ku lahaayeen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, balse Guddoomiyaha Xudur Maxamad Macalim Axmed ayaa BBC-da u sheegay in Shabaabka laga dilay 50 qof ka badan, halka dhinacooda dhinteen seddax askari.

Ma jiraan  ilo madaxbanaan oo lagu kalsoonyahay kuwaasi oo xaqiijinaya sheegashada khasaaraha ee dhinaca dowladda Somalia

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM