Dagaal maalintii labaad galay oo ka socda Caabuwaaq

Image

09 September, 2015(GO)-Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxa dhintey 8 qof halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan dagaal maalintii labaad galay oo ka socda degmadaasi.

Dagaalka oo ka socda magalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud wuxuu u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca kuwaasi isku haysta maamulka gobolada dhexe.

Dagaalka ayaa shalay bilowday ka dib markii maleeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunna weerar ku qaadeen Guri uu ku sugnaa wasiirka Ganacsiga maamulka Galmudug.

Dad ka agdhawaa goobaha lagu dagaalamey ayaa billaabey barakac, iyadoo odayaasha iyo waxgaradka magaaladana qorshaynayaan inay nabad ka dhex raadiyaan dhinacyada dagaalamaya.

Labada dhinac ayaa isku eedaynaya bilaabidda dagaalka ka socda Caabudwaaq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM