Dagaal markale ka cusboonaaday magalada Baladweyne

Image

14 Decemeber, 2015(GO)-Dagaal xooggan ayaa maanta markale ka dhacay magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna u dhaxeeyaa mallayshiyaad taabacsan beelo wadada deega magalada iyo nawaaxigeeda.

Inta la xaqiijiyay maanta waxaa dhintay 4 ruux 16 kale way ku dhaawacmeen. Dadka geeriyooday ayaa u badan kooxaha dagaallamaya, balse waxaa la soo warinayaa inay ku jiraan dadka rayid ah oo xabaddu ugu tagtay goobo ka baxsan xaafadda Howl-wadaag.

Waxaa fashilmay dadaalo ay wadeen waxgarad iyo ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.

Dagaal beeleedkan shalay ka qarxay Beledweyne, waxaa illaa iyo hadda ku geeiyooday 20 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 55 qof, oo u badan shacab. 

Colaadda labada dhinac ayaa sidoo kale ku baahday miyiga magalada Baladweyne, dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba saamayta dagaalka gobolka ka soo cusboonaatay.

Ilaa hadda ma jirto tallaabo dowladda Federalku ka qaadatay dagaalka ka taagan xarunta gobolka Hiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM