Dagaal markale ka cusboonaaday magalada Baladweyne

Image

14 Decemeber, 2015(GO)-Dagaal xooggan ayaa maanta markale ka dhacay magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna u dhaxeeyaa mallayshiyaad taabacsan beelo wadada deega magalada iyo nawaaxigeeda.

Inta la xaqiijiyay maanta waxaa dhintay 4 ruux 16 kale way ku dhaawacmeen. Dadka geeriyooday ayaa u badan kooxaha dagaallamaya, balse waxaa la soo warinayaa inay ku jiraan dadka rayid ah oo xabaddu ugu tagtay goobo ka baxsan xaafadda Howl-wadaag.

Waxaa fashilmay dadaalo ay wadeen waxgarad iyo ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.

Dagaal beeleedkan shalay ka qarxay Beledweyne, waxaa illaa iyo hadda ku geeiyooday 20 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 55 qof, oo u badan shacab. 

Colaadda labada dhinac ayaa sidoo kale ku baahday miyiga magalada Baladweyne, dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba saamayta dagaalka gobolka ka soo cusboonaatay.

Ilaa hadda ma jirto tallaabo dowladda Federalku ka qaadatay dagaalka ka taagan xarunta gobolka Hiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM