Dagaal U Dhexeya Ciidamada DFS iyo Jubbaland oo Ka Qarxay Baardheere, Gedo

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kuwa Jubbaland, oo saaka aroortii ka bilowday degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa ku bilowday weerar ay soo qaadeen Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay saldhigga booliska iyo xarunta maamulka degmada Baardheere, waxaana la xaqiijiyey in uu ku geeriyoodey Maxamed Ilyaas Caagane, oo dhowaan DFS u soo magacawday guddoomiyaha dhanka arrimaha bulshadda ee degmada Baardheere.

Ciidamada dowladda ayaa lagu soo waramay in laga saarey magaaladda, islamarkaana laga dilay dhowr askar, iyadoo Jubaland ay xoojisay amniga iyo gacant ku heynta maamulka.

Dagaalka saaka ayaa sidoo kale sababay khasaare kala duwan, iyadoo la tilmaamay in xaaladda amni ee degmada Baardheere ay kacsantahay, oo labada dhinac ee dagaalamaya ay ku dagaalamayaan gacan ku haynta maamulka degmada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay sii adkeeyso gacan ku haynta Baardheere si ay qeyb uga noqoto qorsheheeda doorashooyinka khilaafka uu taagan yahay ee qof iyo codka.

Jubbaland, dhanka kale, ayaa sidoo kale waddo abaabul ay ku doonayso inay dib u qabsato deegaamada gacanteeda ka maqan ee gobolka Gedo.

Xaaladda amni ee Baardheere ayaa sii adkaanaysa, iyadoo dagaalka iyo muranka siyaasadeed ee ka jira gobolka Gedo uu keeni karo saameyn ballaaran oo ku saabsan nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM