Dagaalamayaal Al-Shabaab ah oo ku leeday qarax ay diyaarinayeen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalamayaal Al-Shabaab ah ayaa Arbacada maanta ah lagu waramay in ay ku geeriyoodeen qarax gaari oo ay ku maleegayeen gobolka Gedo ee hoostaga maamul goboleedka Jubaland.

Qaraxa oo jugtiisa ay cusleyd ayaa saaka ka dhacay degaanka Meykaarabay oo qiyaastii 25 KM dhanka koonfur ka xiga magaalada Garbahaarey.

Muxumed Cabdi Jaamac, taliye ku xigeenka saldhiga magaalada Garbahaarey oo xaqiijiyey dhacdadaas, ayaa ka gaabsaday tafaasiil dheeriya.

"Markii aan maqalnay qaraxa, waxaan tagnay goobta, waana ay kasii carareen," ayuu yiri, isagoo diidey in uu carabaabo khasaaraha saxda ah.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa tibaaxaya in maleeyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ay rabeen in ay qaraxa u gudbiyaan goob kale.

Xogta laga helayo mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa intaas ku dareysa in xubnaha Shabaabka ee ku naf-waayey dhacdadaas ay gaarayaan shan.

"Gaariga qaraxa lagu diyaariyey wuxuu ka yimid dhanka magaalada Jilib," ayuu yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, oo intaas ku daray "Waxaa isla goobta dhaawac ahaan looga qaadey laba dagaalame kale".

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qaraxaan oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab, oo looga bartay in aysan ka hadlin waxyeeladda soo gaara.

Dhowr jeer ayay horey u dhacdey in xubno Al-Shabaab ah ay ku naf-waayaan qaraxyo ay u diyaariyeen in ay ku beegsadaan ciidanka dowladda.

Degaanka Meykaarabay ayaa ah tuulo aysan joogitaan rasmi ah ku lahayn ciidamadda dowladda iyo ururka Al-Shabaab, hase ahaatee, waxaa ay tagaan xiliyadda ay damacsan yihiin qorsheyaal amni oo howlgalo kamid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM