Dagaalameyaal uu kamid yahay Ilkacase oo dil toogasho lagu fuliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay dil toogasho ku fulisay saddex maleyshiyo oo xoogaga Al-Shabaab ka tirsan kuwaasoo uu kamid yahay Maxamed Xaaji Axmed [Ilkacase].

Ilkacase oo macalin ka ahaa kuleej ku yaala Muqdisho ayaa madax u ahaa kooxda dilalka gaadmada Al-Shabaab uga fulisa Muqdisho waxaana lagu helay dilka saddex Jeneraal, sarkaal boolis iyo xeer ilaaliye ku xigeen.

Ragga kale ee dilka toogashada lagu fuliyey ayaa kala ah; Saalim Saciid Maxamed Salmaan iyo Axmed Maxamed Haashim Carab.

Bishii December ee sanadkii 2019-kii ayay maxkamadda ciidamadda dalabka sidda ku ridday xukunka dilka toogashadda markii caddeymo lagu helay.

Isagoo kasoo muuqdey barnaamij laga sii daayey telefishinka ku hadla afka dowladda, llkacase ayaa qirtay dhamaan dambiyadda wuxuuna caddeeyay in uu tan iyo yaraantiisa kamid ahaa dagaalameyaasha hubeysan.

Sidda uu ku sheegay dukumiinritigaas, waxaa safarkiisa argagixisanimadda uu kasoo bilaabay gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan magaaladda Marka halkaasoo uu kasoo fuliyey howlgalo dilal qorsheysan ah.

Intii uu ka howlgayey Marka, Ilkacase wuxuu ka qeyb-qaatay isku day la doonayey in lagu khaarijiyo balse uu dhaawac kasoo gaarey Asad Xaajiyow, oo haatan kamid ah Youtuberada Soomaalida ee caanka ah kuna nool Malaysia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM