Dagaalameyaal uu kamid yahay Ilkacase oo dil toogasho lagu fuliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay dil toogasho ku fulisay saddex maleyshiyo oo xoogaga Al-Shabaab ka tirsan kuwaasoo uu kamid yahay Maxamed Xaaji Axmed [Ilkacase].

Ilkacase oo macalin ka ahaa kuleej ku yaala Muqdisho ayaa madax u ahaa kooxda dilalka gaadmada Al-Shabaab uga fulisa Muqdisho waxaana lagu helay dilka saddex Jeneraal, sarkaal boolis iyo xeer ilaaliye ku xigeen.

Ragga kale ee dilka toogashada lagu fuliyey ayaa kala ah; Saalim Saciid Maxamed Salmaan iyo Axmed Maxamed Haashim Carab.

Bishii December ee sanadkii 2019-kii ayay maxkamadda ciidamadda dalabka sidda ku ridday xukunka dilka toogashadda markii caddeymo lagu helay.

Isagoo kasoo muuqdey barnaamij laga sii daayey telefishinka ku hadla afka dowladda, llkacase ayaa qirtay dhamaan dambiyadda wuxuuna caddeeyay in uu tan iyo yaraantiisa kamid ahaa dagaalameyaasha hubeysan.

Sidda uu ku sheegay dukumiinritigaas, waxaa safarkiisa argagixisanimadda uu kasoo bilaabay gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan magaaladda Marka halkaasoo uu kasoo fuliyey howlgalo dilal qorsheysan ah.

Intii uu ka howlgayey Marka, Ilkacase wuxuu ka qeyb-qaatay isku day la doonayey in lagu khaarijiyo balse uu dhaawac kasoo gaarey Asad Xaajiyow, oo haatan kamid ah Youtuberada Soomaalida ee caanka ah kuna nool Malaysia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM