Dalab la xiriira doorashada Soomaaliya oo la gudbiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaliya ee doorashooyinka 2020-21 ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku dalbadeen wadahadalo ay goobjoog ka tahay Beesha Caalamka.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, musharaxiinta ayaa si lamid ah waxay codsanayaa in wadaxaajoodyadaas ay ka qeybgalayaan madaxda federaalka iyo maamulada ay kasoo muuqato bulshada rayidka.

Wadahadaladan ayay ka dhawaajiyeen in looga arrin-sanayo khilaafka daba-dheeraaday ee ka taagan doorashooyinka Soomaaliya 2020-21.

Dalabkan ayaa kusoo aadaya xilli ay fashilmeen dedaaladii ugu dambeeyay ee xalka loogu goobyay is-mari-waaga coddeynta – si gaar ah qodobada ciidanka gobolka Gedo, xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyada muransan yahay ee doorashooyinka ee xubnaheeda la naqdiyey.

Dhanka kale, bayaanka musharaxiinta ayaa lagu cambaareeyay go’aanka ay xukuumadda waqtiga kasii dhacayo ku iclaamisay in ay qabaneyso doorashooyin hal dhinac ah "taas oo xireysa albaabada wadahadalka".

"Waxaan kaloo u aragnaa go’aanka lagu qabanayo doorasho ay ka maqan yihiin dowlad goboledyadda Puntland iyo Jubaland mid lagu dhaawacayo midnimada iyo wadajirka dalka," ayay ku sheegeen war saxaafadeedka.

Ciidamadda dowladda ku daabuleyso xarumaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ayay sheegen "in ay u arkaan mid la doonayo in lagu boobo doorashooyinka".

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkan waxay magaaladda Beledwayne geysay ciidamo ka tirsan bileyska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad kuwaas oo horey ugu lug-yeeshay falal lagu shubtay doorashooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM