Dalabka eryida ergayga AU-da ee Soomaaliya oo sharaxaad laga bixiyey
MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah xisbiyadda mucaaradka gudaha Soomaaliya ayaa ka codsaday Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika in uu bedelo ergaygiisa gaarka ah ee u fadhiya magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.
Francisco Madeira waxaa lagu eedeeyay in uu "ku milmay" siyaasadda gudaha isla markaana "uu u jaranjeero dhinaca dowladda federaalka ah". Diblumaasiga wali kama jawaabin eedeymaha loo jeediyay.
Cabdirisaaq Axmed Shoole, afhayeenka Madasha Xisbiyadda Qaran oo sharaxaad ka bixiyey dalabkooda eryida Madeira, ayaa intaas ku daray in ay doonayaan in wakiilka uu dhexdhexaadimadda kusoo noqdo.
Afhayeenka oo sheegay in ay codsanayaan in la caddeeyo sharciyadda ay ciidanka ajnabiga ah ku joogaan dalka ayaa tibaaxay in Madeira uu "gabaad u noqdey falal badan sidda faragelinta doorashooyinka maamuladda".
"Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika wuxuu dalka ku joogaa heshiis iyo sharci, mas'uulka ugu sareeya ee ciidamadda AMISOM ee dalka jooga waa isaga, astaanta ay AMISOM leedahay ciidan kale ma xiran karo, in uu xirtana waa ka mamnuuc, waajibaadka ciidanka AMISOM ee dalka ku joogaanna waa la dagaalanka argagixisadda in marka ciidankii AMISOM ama ciidan aan AMISOM ahayn loo isticmaalo in lagu farageliyo doorashooyinka maamul goboleedyadda dalka ka dhacaya, arrintaas waxaan u aragnaa in ay tahay xadhaaf oo lagu xad-dhaafayo mandate-ka uu lahaa Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika," ayuu u sheegay idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliya.
Wuxuu raaciyey: "Doorashooyinka waa hanaan maxali ah oo Soomaali u dhaxeysa oo Soomaalida la rabo in ay kawada hadlaan, laakiin ciidamadda ajnabiga ah ee aan AMISOM ahayn ee dalka jooga marka ay wax sameeyaan in la yiraahdo annaga maahan ama waa ciidan aan AMISOM ahayn".
Hab-dhaqankiisa haatan oo ay qoonsadeen ayuu tibaaxay in ay shaki gelineyso haddii ciidamadda AMISOM ay dhex-dhexaad noqon doonan doorashooyinka heerka Qaran ee u qorsheysan sanadka 2020-21.
Madeira sidoo kale waa madaxa howlgalka nabad-ilaalinta AU-da ee AMISOM, kaas oo tobanaan sano ku sugan waddanka, balse wali aanan guulo muuqdo oo cad-cad kasoo hooyin baacsiga Al-Shabaab.
Siyaasadda Soomaaliya oo lugaha la gashay xaalad kala guur ah ayaa waxaa durba u muuqaneysa mid wajaheysa ololaha doorashooyinka soo aadan, wallow aan wali lagu heshiin nidaamka loo marayo lagana digay muddo kororsi.
GAROWE ONLINE