Dalabka ku aadan in ay is-casilaan guddiga doorashadda oo xoogeystay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa sheegtay in aysan ogolaaneyn muddo kororsi maalin kadib markii guddiga doorashooyinka uu caddeeyay in aysan waqtigeeda ku dhici karin coddeynta sanadka 2020-21.

War-saxaafadeed kasoo baxay madasha ayaa lagu codsaday in ay is-casilaan xubnaha guddiga doorashooyinka "maadaama ay fashilmeen, kuna milmeen xukuumadda ayna lumiyeen kalsoonida shacabka".

Xisbi siyaasadeedka Wadajir iyo hogaamiyaha xisbigaas, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa shalay ugu baaqay guddiga doorashooyinka in ay is casilaan kahor inta aysan waddanka u horseedin qalalaaso.

Muddo xileedka goleyaasha xeerdejinta haatan shaqeyneysa ayaa dhamaanaya 21-ka November, 2020, halka kan madaxweynaha uu ku eg-yahay 8-da Febraayo ee sanadka dambe 2020-21.

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay warbixintii shalay ee guddiga doorashooyinka ayaa ku baaqay in laga heshiiyo labada nooc doorasho ee ay soo diyaariyeen guddiga doorashooyinka madaxa-banaan.

Dhanka kale, bayaanka madasha ayaanan lagu soo hadal-qaadin ansixinta xeerka metelaada gobolka Banaadir oo shalay Golaha Shacabka meelmariyey, balse ay diidmo xoogan kala hortagaan Xildhibaano iyo wasiiro.

Xeerkaas lagu muransan yahay ayaa 13 xubnood oo Aqalka Sarre ah siinaya gobolka Banaadir. Hase ahaatee, waxaa talaabo baalmarsan dastuurka ku qeexay sharci-dejiyeyaal, wasiirada xukuumada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Hoos ka akhriso bayaanka Madasha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM