Bayle: Dalkan ayaan ka helnay lacagta lagu iibiyey safaarada Washington

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhowr su'aallo ayaa soo if-baxay kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay dhisme u iibisay safaaradda Washington, caasimadda Mareykanka.

Waydiimaha oo qaarkood jawaabo loo helay ayaa waxaa baaqi ah kuwa kale oo aan wali laga jawaabin waxaana kamid ah; halka ay ka timid iyo hadii ay jirtay meelo ka haboon oo lagu bixin karay.

Dhismaha oo ku taala degaanka Wyomin oo ay ku badan yihiin howlgalada diblumaasiyadeed ee caalamka ayaa waxaa lagu iibiyey aduun lacageed dhan 4.3 milyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Sidda laga soo xigtay illo lagu kalsoon yahay, dhismaha ayaa wuxuu ka kooban yahay saddex dabaq iyo tobban qol ah.

Dalka Colombia, ee dhaca Koonfurta Ameerika oo dhismahaas deganaa in ka badan 40-sano ayaa laga iibiyey guriga.

Madaxweyne Farmaajo oo Mareykanka kaga qeybgalay shirka 74aad Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa xariga ka jaray, isaga oo yiri "lacagtii lagu ridi jiray ra’siiul wasaaraha ayaan ku dhisnay".

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo munaasabadda qeyb ka ahaa ayaa u sheegay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da in lacagta lagu iibiyey dhismaha ay bixisay Qadar.

"Lacag aan ka helnay dowladda Qadar ayaan ku iibsanay…waana wax lagu farxo in hanti maguurto ay ku yeelano Mareykanka," ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Lacagta ee xukuumadda federaalka.

Warar xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in uu socdo qorsheyaal kale oo ay dowladdu ku iibsaneyso dhismeyaal kale oo ah; hoyga safiirka iyo mid kale oo lagu qaabili doono martida kala duwan ee safaaradda.

Mareykanka ayaa wuxuu horey u iibiyey hoyga safiirka. Lacagtaas oo lagu wareejiyay dowladda waxaa lagu socod-siiyey howlaha safaaradda iyo howlgalka Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM