Danjirihii Soomaaliya ee Ciraaq oo ku dhintay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Danjirihii Soomaaliya u qaabilsanaa waddanka Ciraaq dowladdii kacaanka, Ciise Cali Maxamed [Ciise Dheere], ayaa lagu waramay in saaka uu ku dhintay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Marxuumka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xanuun-sanayey, sidda ay xubno ka tirsan qoyskiisa u xaqiijiyeen Garowe Online, wallow ay ka gaabsadeen in ay bixiyaan tafaasiil oo la xiriira cudurka uu la daalaadhacayey.

Mid kamid ah qabuuraha magaala madaxda ayaa qorshuhu yahay in lagu aaso isla maanta, wallow aan la ogeyn hadii ay madax ka qeyb-galeyso.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo axaabtiisa ayaa fariimo tacsi ah waxay baraha bulshadda ugu direen ehelkiisa.

Sidda laga soo xigtay dadka isaga yaqaano, Ciise Dheere ayaa in muddo ah ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowlada federaalka.

Sidoo kale, wuxuu ahaa lataliye sarre iyo diblumaasi oo arrimaha Carabta kala talin jiray madaxdii xiligaas "maadaama uu ku xeel-dheeraa".

Bishii lasoo dhaafay ee May 10-keeda ayay ahayd markii uu geeriyooday Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys, safiirkii Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhaxeysay 2016-2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM