Dardargelinta qoondada haweenka Soomaaliya oo "la isku raacay"

Image
Qadiyadan ayaa lagu soo hadal-qaadey kulan ka dhacay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya.

ANKARA, Turkey - Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa isku raacay in ay dardargeliyaan taageeradda howlgalka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeys aee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban.

Qadiyadan ayaa lagu soo hadal-qaadey kulan Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya ku dhexmaray wakiilka UN-ka ee Soomaaliya iyo ergayga AU-da ee Nabadda iyo Amniga Haweenka.

James Swan iyo Bineta Diop ayaa kamid ah darafyadda ka qeybgalay madashan uu sanad walba Turkiga ku martiqaado daneeyeyaasha caalamiga ah ee dhanka horumarinta diblumaasiyadda.

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska UN-ka ee Muqdisho, Swan iyo Diop ayaa sidoo kale waxay wada-xaajoodeen sarre u qaadida kaalinta haweenka ee siyaasadda gudaha iyo Soomaaliya.

"Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Nabadda iyo Amniga Haweenka, Bineta Diop, ayaa kulan qiimo leh ku yeeshay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Iyagoo ka wada hadlay taageerada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee ka qeybgalka siyaasadda ee haweenka Soomaaliyeed, waxayna isku raaceen in si degdeg ah loo sii dardargeliyo gaarista qoondada Haweenka ee 30%".

Dastuurka Soomaaliya ayaa xeerinaya in doorka haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda uu yahay 30%. Doorashooyinka Golaha Shacabka kuraasta illaa haatan la doortey waxaa haween kusoo baxay 44 xubnood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM