David Cameron iyo nin dhallinyaro ah oo is dardarey

Image
Image
Image
Image

October 28, 2014 (GO)- Nin dhallinyaro ah oo ordaya ayaa si aan ula kac ahayn u dardarey ra'iisul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee xarunta golaha deegaanka ee magaalada leeds.

Cameron ayaa dib u cararay markii uu arkay ninka dhankiisa usoo ordaya isagoo qaddar ilbiriqsiyo ah meel gees ah istaagnaa kahor intaan ilaaladiisu kusoo xoomin si deg deg ahna gaariga u gelin.

Ilaalada gaarka ah ee David Cameron ayaa qabtay dhulkana dhigay ninka ra'iisul wasaaraha jiiray oo sida la xaqiijiyey xiligaas usii ordayey xarun lagu jimicsado oo goobtaas waxyar ka durugsan.

Booliska degmada Leeds ayaa xiray ninka oo lagu magacaabo Dean Farley da'diisuna 28 jir tahay, inkastoo markii dambe layska sii daayey kadib markii la xaqiijiyey in falkaasi si aan ula kac ahayn u dhacay.

Farley oo markii dib xoriyaddiisa loogu soo celiyey si kooban warbaahinta ula hadlay, wuxuu sheegay in lagu xadgubey isagoo dhanka kale boggiisa Facebook kusoo qaray in uusan falkaas ujeedo gaar ah ka lahayn balse ahaa mid si lama filaan ah ku dhacay.

Dadka arimaha ammaanka dalka Ingiriiska ka faalooda ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid cadeyn u ah habacsanaanta ka jirta laamaha ammaanka, gaar ahaan hay'adaha ku shuqulka leh ilaalinta dadka muhiimka ah.

Xuquuqda Sawirada: Mirror, UK

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu ku saabsan yahay Heshiiska cusub ee Jabuuti la gashay dowladda Soomaaliya?

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xiriir taariikhi ah oo ku saleysan hiddo, dhaqan iyo dano dhaqaale oo ay wadaagaan.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:51AM

Masar oo caqabado kala kulmaysa Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:18AM