DDSI oo sheegtey in Ciidamo ka joogaan Somalia

Image

26 August, 2015 (GO)-Madaxweynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar ayaa shaaciyey in  ciidamada deegaankiisu ku suganyihiin Somalia iyagoo la dagaalamaya kooxda Al-shabaab.

Cabdi Maxamud Cumar ayaa xusey in  ciidamadooda loo yaaqaan LIYUPOLICE ay ka hawlgalaan Gobolada Hiiraan iyo Bakool, waxaana arintan uu ku macneeyay mid ay ku caawinayaan Somalia maadaama sida uu sheegayo ay jiraan xaalad ammaan daro oo kaga imaan karta Al-shabaab.

“Ciidanka LiyuPolice waxay la dagaallamayaan Al-Shabaab,waxayna joogan gobollada Hiiraan iyo Bakool"Ayuu yiri Cumar.

Madaxweynaha ismaamulka Somalida Itoobiya wuxuu hoosta ka xariiqay in ay guulo wanaagsan gaareen ciidamadiisu, ayna dhabar jabiyeen kooxaha ka soo horjeeda amaanka gobalka, isagoona sheegay in ay hada qorsheynayaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen in laga saaro deegaano hor leh oo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Cabdi Maxamud Cumar  ayaa hadalkan ka jeediyay shirwaynihii 12,aad ee ururka TPLF ee xarunta deegaanka Tigray ee magaalada Maqale.

Dawladda Faderaalka ayaa qirtay in ay joogaan Somalia ciidamo ka socda dalka Itoobiya oo aan qeyb ka aheyn howlgalka midowga Africa ee AMISOM, balse u jooga sidii ay u caawin lahaayeen ciidama itoobiyaanka ah ee ka hawlgala Somalia.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM