Gollaha Shacabka oo sharci darro ka dhigay dhiibista Qalbi Dhagax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa sharci darro ka dhigay dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi dhagax ee Xukuumadda Federaalka ugu gacan gelisay dowladda Itoobiya.

Gudiga baaritaanka kiiska Qalbi dhagax ayaa kahor akhriyay Gollaha Shacabka natiijada baaritaankooda, iyagoo sheegay in go'aanka Xukuumadda uu ahaa mid aan sharci ahayn, oo lagu xad-gudbay muwaadinkaasi.

Xildhibaanada ayaa u codeeyay in qalad ay ahayd in Qalbi Dhagax loo dhiibo dowladda Itoobiya, islamarkaana go'aankaasi uu ahaa mid aan loo marin wadada sharci ah, oo aan lagala tashan Hay'adaha Garsoorka dalka.

Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA) ayaa dusha loo saarey mas'uuliyadda wareejinta Qalbi Dhagax.

Codka Xildhibaanada ay u qaadeen Kiiska Qalbi Dhagax ayaa u dhacay sidan: 152 mudane ayaa isku raacday inuu sharci darro ahaa go'aanka, 6 ayaa diiday, halka 3 ay ka aamustay.

Taliyihii NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayay sheegeen inuu qaatey go'aanka Qalbi-Dhagax loogu wareejiyay Itoobiya, isagoo aan wax badan kala tashan madaxda qaranka iyo Hay'adaha kale ee dowladda.

Xildhibaanada ayaa kuu baaqay in magdhaw laga bixiyo qaladka laga galay Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada ayaa Gudiga baaritaanka waydiiyay su'aallo aad u adag, oo ku saabsan wadadii loo mariyay dhiibista Qalbi-dhagax, kuwaasi oo dhamaantooda ahaa kuwa lagu soo ogaaday baaritaanka warbixintiisa maanta la horgeeyay Gollaha Shacabka. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM