Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Qarax weyn oo Ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada aada dhanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari nooca raaxadda ah, kaasi oo lagu weeraray Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM xilli ay marayeen deegaanka Weydoow.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan oo jugtiisa meel fog laga maqlayay, ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan dhanka khasaaraha, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in ugu yaraan hal ruux oo shacab ah uu ku dhintey.

AMISOM iyo dowladda Saraakiishooda wali kama aysan hadlay qaraxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM