DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax culus ayaa goor dhaweyd laga maqlay magaalada Mauqdishu, ee caasumada dalka Somalia.

Wararka GO uu helayo ayaa sheegaya in weerarku  ka dhacay meel ku dhaw Dekedda Muqdishu, waaxaana lagu soo waramayaa inuu yahay mid loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa lagu soo xiaray.

Ma cadda khasaaraha qaraxa, oo lagu soo beegay xilli Dekedda uu ka jiro Mashquul badan, oo shaqaalaha ay kasoo baxayaan howl maalmeedkooda.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay meel fog oo kamid ah magaalada, waxaana cirka isku shareeray uuro madow, iyadoo ay xigtay rasaas xoogan oo Ciidamada ay ridayeen.

Fahfaahinta Warkana kala soco GaroweOnline

GAROWEONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM