DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax culus ayaa goor dhaweyd laga maqlay magaalada Mauqdishu, ee caasumada dalka Somalia.

Wararka GO uu helayo ayaa sheegaya in weerarku  ka dhacay meel ku dhaw Dekedda Muqdishu, waaxaana lagu soo waramayaa inuu yahay mid loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa lagu soo xiaray.

Ma cadda khasaaraha qaraxa, oo lagu soo beegay xilli Dekedda uu ka jiro Mashquul badan, oo shaqaalaha ay kasoo baxayaan howl maalmeedkooda.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay meel fog oo kamid ah magaalada, waxaana cirka isku shareeray uuro madow, iyadoo ay xigtay rasaas xoogan oo Ciidamada ay ridayeen.

Fahfaahinta Warkana kala soco GaroweOnline

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM