Wasiirkii Arrimaha Gargaarka Soomaaliya oo is-casishay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Soomaaliya Dr Maryan Qaasim ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Maryan Qaasim, ayaa sheegtay inay warqada Iscasilaadeeda uu gudbisay Xafiiska Ra'iisul Wasaare Khayre, iyadoo aan shaacin sababta ka dambaysa Iscasilaadeeda.

Waa Wasiirkii labaada oo iska-casila xilka Xukuumadda Khayre, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in wasiiradda qaar shaqadooda lagu farageliyo.

Wasiirkii difaaca Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa bishii lasoo dhaafay iska-casilay xilka, kadib markii sida la sheegay lagu farageliyay arrimaha ciidanka iyo dhaqaalaha beesha caalamka uu siiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM