Deni iyo Axmed Madoobe oo la shiray safiirka Sweden

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta waxay siyaabo kala duwan ula kulmeen danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxtooyadda Jubaland ayaa qoraal ay kulanka kasoo saartay waxay ku tiri: "Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa hoygiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander".

"Waxaa Kulanka lagaga hadlay Xaalada uu dalku marayo gaar ahaan Doorashada caqabadaha hortaagan iyo shirweynaha arimaha Doorashooyinka," ayaa la raaciyey bayaanka.

Dhanka kale, Madaxtooyada Puntland ayaa qoraalka ku tiri: "Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander".

"Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Doorashada, caqabadaha hortaagan iyo sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha Doorashada," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Is-aragan ayaa kusoo hagaagaya xilli wadahadalada xalka loogu raadinayo is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya ay u hakadeen tanaasul la'aanta iyo carqalada Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu kasoo horjeedo dhamaadka muddo xileedkiisa, in shirka kawada qeybgalaan saamileyda iyo in coddeyn daahfuran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM