Deni: Kama Bixi Doono Muqdisho Ilaa Xal Kama Dambeys Ah Laga Gaaro Khilaafka Siyaasadeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay inuusan ka bixi doonin magaalada Muqdisho ilaa xal kama dambeys ah laga gaaro xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Deni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kaasoo ka dhacay hotel uu ka degan yahay Muqdisho, isagoo xusay in joogitaankiisa caasimadda uu la xiriira dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

“Muqdisho kama baxayo ilaa xal kama dambeys ah laga gaaro arrimaha taagan,” ayuu yiri Deni, isaga oo ku baaqay wada-hadal furan oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale si kulul u hadlay, isagoo yiri: “Xildhibaanadii Hawiye ee 2021-kii meeshaan nagu jiir-jiiri jiray meel ay aadeen ma garanayo. Xamar idinkagama tagayno ee waan idinku qabsanaynaa.”

Hadalkaas ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kaas oo salka ku haya hannaanka doorashooyinka mustaqbalka iyo habka dib-u-eegista dastuurka. Qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in aysan jirin wada-tashi ballaaran oo arrimahaas ku saabsan.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ka digaya in haddii aan heshiis laga gaarin muranka taagan ay sii qoto dheeraan karto kala qeybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya, taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM