Deni oo Ballanqaaday Tallaabo Adag oo dhanka Amniga ah markii Daacish la wiiqay

Image

BOOSAASO - Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ballanqaaday inuu qaadi doono tallaabo adag oo ku saabsan amniga, isagoo xusay in dowladda uu hoggaaminayo aysan oggolaan doonin soo noqoshada kooxaha argagixisada ee gobolka bari.

Waxuu Madaxweynaha sheegay in Al-Shabaab iyo ISIS laga saarayo gobolka Bari ee Puntland, wuxuuna ku celiyay go'aankiisa ah in cidna laga yeeli doonin siyaasadeynta arrimaha amniga iyo khalkhal-gelinta xasiloonadda dhiiga badan loo huray.

Madaxweynaha oo la hadlay odayaasha dhaqanka ee Bari, ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab iyo ISIS aysan lahayn wax awood ah oo ku baadi karaan ganacsiga Boosaaso. Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay nadiifiyeen meelaha ay ka talinayeen argagixisada ISIS ee Calmiskaad, oo laga dhisi doono wadooyin cusub si loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada iyo shacabka.

Sidoo kale, Deni ayaa sheegay in uu bixiyay cafis guud oo loogu talagalay dadka horey uga mid ahaa argagaxisadda iyo kuwa galay dambiyada, isagoo sheegay in dowladda uu hogaaminayo ay dooneyso in la xoojiyo isdhexgalka bulshada. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu si cad u sheegay in dadka ku lug leh hawlgallada khal-khalgelinta ama xiriirka la leh kooxaha xagjirka ah ay wajahayaaan tallaabooyin adag.

Madaxweynaha Puntland ayaa ammaanay odayaasha dhaqanka ee kaalin muhiim ah ka qaatay hawlgalka Hillaac, oo ah hawlgal dowladda hoggaamineyso oo loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga gobolka iyo la dagaalanka ISIS. Waxa uu sidoo kale sheegay in marxaladda saddexaad ee hawlgalkan ay ujeeddadeedu tahay in la xaqiijiyo guulaha amni iyo in la adkeeyo xasiloonida Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka laabtay go'aan uu ka qaatey taageerada dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan deeqaha dibadda oo ka dhigan 70% miisaaniyadda dalka oo sanadkii hore ahayd $1 billion.

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 07:29AM

Roobow oo ku yiri Al-Shabaab: Muqdisho noqon mayso sida Kabul iyo Dimishiq

Mukhtaar Roobow, oo horey u ahaa hogaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab, wuxuu isku soo dhiibay dowladda 2017.

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 05:55AM