Deni oo la kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu magaalada caasimada ah ee Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka ee degan xerada Xalane.

Dhinacyada uu Deni qaabilay ayaa kala ah; James Swan, ergayga UN-ka u qaabilsan Soomaaliya, Fransisco Madeira, wakiilka Midowga Afrika iyo safiirka Mareykanka u jooga Muqdisho, Donald Yamamota.

Kulamadan oo si gaar-gaar ah u qabsoomay ayaa ka dhacay hoteel ku dhex-yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde] oo ammaankiisa aad loo adkeeyo.

Madaxtooyadda dowladda Puntland oo ku dhawaaqdey kulamadaan ayaa tiri "Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada".

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in madaxda ay wadaxaajoodyadda diiradda ku saareen shirka lagu waddo in dhowaan u bilowdo dowlada iyo maamuladda si lamid ah xalka is-mari-waaga hadda jira.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa carqaladeynaya furitaanka shirkaas, isaga oo maamuladda taabacsan ku riixaya in ay qaadacaan shirkan ay agaasintay Beesha Caalamka.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kuwada sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ay la kulmeen musharaxiin madaxwayne, siyaasiyiin kale iyo xubno ka tirsan saaxiibada caalamka.

Villa Soomaaliya ayaa dooneysa shirka ay agaasintay Beesha Caalamka uu noqdo mid ku kooban saxiixa soojeedintii guddiga farsamada ee ku shiray Baydhabo, halka darafka kale rabo in laga xaajoodo amniga iyo xilheynta dhamaadka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM