Deni oo socdaal dhulka ah ku gaarey Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Cadaado halkaas oo uu uga sii gudbay magaala madaxda Dhuusamareeb.

Talaabadan ayaa waxaa lala xiriiriyey feejignaan dhanka ammaanka ah maadaama la tuhunsan yahay in Madaxtooyadda Soomaaliya ay beegsaneyso siyaasiyiinta ama mas'uuliyiinta ka aragtida duwan.

Deni ayaa Dhuusamareeb kaga qeybgalaya shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda kaas oo qorshuhu yahay in uu furmo maalinta berri oo Arbaco ah, wallow qorshuhu ahaa in berri lasoo afmeero.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaan muddeeyay in uu bilowdo 1-da Febraayo lana soo gabagabeeyo 3-da Febraayo oo u muuqato in uu furmi doono.

Inkasta oo ciidamadda ay howlgalo amniga lagu sugayo ay sameeyeen, haddana waxaan kala caddeyn hadii ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan dabley xalay ku dhowaad 10 madfac ku garaacdey Dhuusamareeb.

Weeraradaas ayaa sarre u qaadey suurtagalnimadda in ay dhici karaan falal kale. Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkaas, wallow aysan si rasmi ah ugu faafin barahooda.

Tan iyo markii Qoorqoor loo doortey hogaanka Galmudug, ammaanka ayaa kamid ah arrimaha uu maamulkiisa ku guuldareystay in uu guulo kasoo hooyo taas bedelkeed waxaa dhacay falal liddi ku ah xasiloonida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM