Deni oo socdaal dhulka ah ku gaarey Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Cadaado halkaas oo uu uga sii gudbay magaala madaxda Dhuusamareeb.

Talaabadan ayaa waxaa lala xiriiriyey feejignaan dhanka ammaanka ah maadaama la tuhunsan yahay in Madaxtooyadda Soomaaliya ay beegsaneyso siyaasiyiinta ama mas'uuliyiinta ka aragtida duwan.

Deni ayaa Dhuusamareeb kaga qeybgalaya shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda kaas oo qorshuhu yahay in uu furmo maalinta berri oo Arbaco ah, wallow qorshuhu ahaa in berri lasoo afmeero.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaan muddeeyay in uu bilowdo 1-da Febraayo lana soo gabagabeeyo 3-da Febraayo oo u muuqato in uu furmi doono.

Inkasta oo ciidamadda ay howlgalo amniga lagu sugayo ay sameeyeen, haddana waxaan kala caddeyn hadii ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan dabley xalay ku dhowaad 10 madfac ku garaacdey Dhuusamareeb.

Weeraradaas ayaa sarre u qaadey suurtagalnimadda in ay dhici karaan falal kale. Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkaas, wallow aysan si rasmi ah ugu faafin barahooda.

Tan iyo markii Qoorqoor loo doortey hogaanka Galmudug, ammaanka ayaa kamid ah arrimaha uu maamulkiisa ku guuldareystay in uu guulo kasoo hooyo taas bedelkeed waxaa dhacay falal liddi ku ah xasiloonida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM