DF iyo maamuladda qaar oo difaacay heshiiska aan loo dhameyn
DHUUSAMAREEB, Galmudug – Wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb oo ka qeybgalkiisu qaadaceen Puntland iyo Jubaland ayaa lasoo gabagabeeyay iyaddoo ay kasoo baxeen go'aano iyo heshiiska aan hab isla ogol ku imaan.
Dhamaan madaxdii ka hadashay munaasabada ayaa isku raacay in fulinta heshiisyadii ay gaareen aanan looga maarmeyn Puntland iyo Jubaland.
Martigeliyaha ahna madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa qaatay hadal-jeedintii ugu horeysay munaasabada.
Qoor-qoor oo difaacay heshiiska ayaa nooca doorashada ay madaxda ku heshiisay ku qeexay "wada-guuleysta" isagoo ugu baaqay madaxda Puntland iyo Jubaland in ay gaaraan.
Xilli doorka Puntland iyo Jubaland oo uu ku qeexay mid "laga maarmaan ah," madaxweynaha Galmudug ayaa shaqsiyaad uusan magacaabin ku eedeeyay in ay isku dayeen in ay "dacaayado ka faafiyaan shirka".
Nooca doorashada ee Villa Soomaaliya, saddex maamul iyo gobolka Banaadir ku heshiiyeen ayuu ku qeexay mid aan dhinac u xagliyeen.
Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha HirShabelle oo u qiil-dayey Farmaajo, ayaa sheegay in uu qaatay talooyinkii ay u soo jeediyeen.
"Nabadoonimadii uu sheegi jiray Dhuusamareeb ayay u dhacdey," ayuu ka yiri xafladda, isagoo sheegay in Qoor-qoor uu dedaal ku bixiyey sidii madaxda Puntland iyo Jubaland ugu qancin lahaa ka qeybgalka shirka.
Shacabka degaanada Galmudug ayuu taageero u waydiyey Qoor-qoor, isagoo ku tartarsiiyey in ay ku garab istaagaan shaqadda uu hada wado.
Cabdicasiis Laftagareen, madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qiray in nooca doorashada ay ku heshiiyeen ku saleysan tahay hore-u-socod, ayaa dhinacyada kale ee siyaasada Soomaaliya ku booriyey in ay soo dhaweeyaan.
Laftagareen, oo ku ammaanay Farmaajo iyo Qoor-qoor "tanaasul iyo odaytinimo" uu aaminsan yahay in ay muujiyeen, ayaa tibaaxay in nooca ay ku heshiiyeen ay meesha ka saareyso muddo kororsiga.
Cumar Filish, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo rumeysan in heshiiska lagu dhisay taxadar iyo hab xeerinaya "qofka jooga iyo kan maqan", ayaa rajeeyay in dhinacyada kale ay u sacaba-tumaan.
Madaxweyne Farmaajo oo aaminsan in heshiiska aan loo dhameyn uu guul u horseedayo Soomaaliya ayaa madaxda Puntland iyo Jubaland ku dhiirageliyey in ay aqbalaa qodobada kasoo baxay shirka Dhuusamareeb 3.
Isagoo si aan toos ah ugu digtay maamuladan kuna dhaliilay in ay u ololeynayaan in hoos loo dhigo tirada ergada soo xuleysa Xildhibaanada iyo in ay iyaga soo xushaan, Farmaajo ayaa difaacay heshiiska shakiga xoojiyey.
Isagoo cuskanaya dalab uga yimid madaxda dowlad goboleedka Galmudug, madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in magacii Dhuusamareeb loo bedelay "Sama-reeb".
Ugu dambeyntii, xilli uu adkeeyay in ay ka maarmeen kaalinta dowladaha Puntland iyo Jubbaland, Farmaajo ayaa ku nuux-nuuxsaday in ay ka shaqeynayaan sidii ay ugu qancin lahaayeen heshiiska qabyadda ah oo ay saxiixeen.
GAROWE ONLINE