DF: Ma aqbaleyno banaanbax aan amnigiis sugeyn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii-haayaha wasiirka amniga Soomaaliya ayaa bogaadiyey go'aanka Jimcada maanta ah Golaha Midowga Musharaxiinta dib-ugu-dhigeen banaanbaxii maalinta Sabtida todobaadka soo aadan.

Xasan Xundubey Jimcaale oo cod dheer ku bogaadiyey go'aankaas ayaa wuxuu ku adkeystay "in dowladda federaalka ah Soomaaliya aysan aqbali karin banaanbax aysan ammaankeeda sugeyn".

Musharaxiinta ayaa tibaaxay in mudaahaaraadka ay dib u dhigeen ka gedaal markii xukuumadda xil-gaarsiinta ay ka baalmartay heshiiskii ay la galeen todobaadkan.

Xukuumadda xil-gaarsiinta ayay tibaaxeen in ay ciidamo kusoo daabushay waddooyinka ugu muhiimsan Muqdisho gaar ahaan goobta banaanbaxa ka dhici lahaa oo ah Daljirka Daahsoon.

Balse, wasiir Xundubey oo wax laga waydiiyey ciidanka ay soo dhigeen jidadka Muqdisho ayaa xusay in loogu talagalay sugitaanka ammaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaarihii hore ahna musharax madaxwayne Xasan Cali Khayre oo xaruntiisa ololaha kula hadlay taageereyaashiisa ayaa dowladda ku eedeeyay carqaladeynta banaanbaxa.

"Xorriyad la’aanta hadda jirta oo la is-hortaagayo in xuquuqdii dastuurka la is-hortaago, waa waxaan la yeeli karin haddii hadda la yeelana 30-ka sano ee socota ayay Ummadda Soomaaliyeed dhibaateyneysaa," ayuu yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM