DF oo aqbashay shirka ka dhacaya Teendhada Afasiyooni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda waqtiga ka dhacay ay diyaar u yihiin in ay tagaan goob kasta oo uu ka dhacayo shir looga hadlayo xalka khilaafka doorashooyinka.

"Xataa haddii badda dhexdeeda lagu shirayo waan tageynaa," ayuu Cismaan Abuukar Dubbe ka yiri, isaga oo ka hadlaya shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Hadalka Dubbe ayaa kusoo hagaagaya xilli dhowaan lagu waddo in uu Teendhada Afasiyooni ee magaalada Muqdisho uu ka bilowdo shir u dhaxeeya dowladda iyo maamulada kaasoo looga hadlayo khilaafka doorashooyinka sanadka 2020-21.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Dubba ayaa xusay in shirka uu socon doono laba maalmood islamarkaana lgu dhameystiri doono arrimaha baaqiga ah ee dooorashooyinka.

Wallow uu ka baaqsaday in uu shaaciyo goobta oo Dubbe uu xaqiijiyey in ay tahay Afasiyooni, Farmaajo ayaa xalay iclaamiyey shirkaas, isaga oo tibaaxay in uu qabsoomi doono 22-ka bishaan Maarso.

Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa shaaca ka dhigay in ay jawaab ka bixin doonan kulankaas. Hogaamiyeyaasha maamuladan ayaa in ka badan hal todobaad ku sugan magaala madaxda Muqdisho.

Dhanka kale, wasiirka ayaa si dadban wuxuu u weeraray Isbaheysiga ay ku dhawaaqeen Dowladaha Puntland, Jubaland, afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah iyo Midowga Musharaxiinta madaxtinimadda.

"Waxaan runtii aad uga xunahay in iyaddoo dalku aadeyo doorasho ay siyaasiyiinta qaar ku mashquulaan in ay sameeyaan isbaheysiyo - isbaheysiyadaas oo ah doorasho la dirir. Isbaheysiyada doorasho la dagaalanka ahi ama doorasho diidka ahi waxay nagu celinayaan jid qaldan iyo jid dib-u-dhac," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Dhinacyadda kasoo horjeeda maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay Madasha Badbaado Qaran - kaasoo ay ku adkeysteen in uu badbaadinayo qaranimada iyo doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM