DF oo Baraawe ku xirtay saraakiil ciidan iyo ganacsato

Image

November 29, 2014 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtey ganacsato iyo saraakiil ciidan oo lagu soo eedeeyey inay si sharci darro ah dhuxul uga dhoofiyeen degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Federaalka Axmed Cali Dahir ayaa xaqiijiyey in dadka la xiray kamid yihiin Gudoomiyihii degmada Baraawe, taliyeyaashii booliska iyo nabad-sugidda Baraawe, ganacsatada dhuxusha dhoofiya iyo mulkiileyaasha dhowr doomood oo dhuxushaas lagu raray.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu intaas ku daray in dadkan eedeysaneyaasha ah baaritaan lagu wado haddii dembigaas lagu helana sida ugu dhaqsaha badan maxkamad loo soo taagi doono sharicgana la marsiin doono.

Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2012 xayiraad kusoo rogtey dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya maadaama la sheegay in kooxda Al-shabaab dhuxusha dhaqaale xooggani kasoo galo.

October 24, 2014 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu meel mariyey qaraar ogolaanaya in la baari karo maraakiibta iyo doomaha ka taga Soomaaliya, si loo hubiyo inay shixnado dhuxul ah sidaan iyo in kale. 

Dhanka kale kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea, ayaa warbixin cusub oo dhowaanta soo saareen ku sheegay in sanad kasta $250 milyan oo lacag ahi kasoo xerooto dhuxusha, lacagtaasoo saddex meelood hal meel gacanta u gasha Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM