Ciidamo carqaladeeyay kolanyo galbineysay Cabdi Xaashi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Talaadadii shalay ahayd waxay carqaladeeyeen kolanyo galbineysay afhayeenka Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Isku-daygaas is-hor-taaga ayaa laga soo wariyey kontarool ku yaala nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka kana mid ah barahalaga ilaaliyo ammaanka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Saraakiisha kontaroolkaas ayaa ku doodey in ay u hakiyeen kolonyadda Cabdi Xaashi in uu wadada marayey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Balse, warar lagu kalsoon yahay oo uu helay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijinaya in talaabadaas ay ahayd mid ola kac ah isla markaana lagu fuliyey amar ka timid Vilal Soomaaliya.

"Si fudud haddii ay daacad ka tahay, ciidamada ilaaladda waxay sameyn kareyn in ay gacanka kala hadlaan kolanyada Farmaajo una sheegi kareen in uu jidka kusoo jiro Afhayeenka Aqalka Sare. Balse, waxay u muuqaneysaa qorshe laga war hayey oo lagu daahinayey Cabdi Xaashi," ayay sheegeen xubno ku dhow Senator-ka.

Cabdi Xaashi iyo xubno wehliyey ayaa kusii jeeday Airport Hotel oo ku dhex-yaala xerada Xalane halkaasoo ay ku shireen xubnaha Madasha Badbaado Qaran kuna dhawaaqeen shir.

Dad badan ayaa falka ay ciidamadda kula kaceen kolanyada Cabdi Xaashi oo maamulka Farmaajo isku hayaan xulista wakiilada Somaliland waxay ku sifeeyeen beegsi lagu bilaabay xubnaha Golaha Badbaado Qaran

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM