DF oo cambaareysay duqeynta xarunta shidaal ee Riyadh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtay in ay si adag u cambaareyneyso weerar ay falaagadda Xuutiyiinta ku ekeyeen xarun shidaal oo ku taala caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

Wasaarada arrimaha dibadda xukuumadda Muqdisho oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa falkaas waxay ku qeexdey "weerarka argagaxiso".

Sidda laga soo xigtay bayaankaas lagu faafiyey barta Facebook ee wasaaradda, Soomaaliya ayaa boqortooyadda Sacuudiga waxay ku garab taagan tahay "ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda".

"Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd," ayay tiri wasaaradda.

Qoraalka oo ka koobnaa hal bog ayaa waxaa intaas kasii raaciyey: "Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda".

Wasaaradda Tamarta Sacuudiga ayaa sheegtay in weerarka uusan sababin khasaaro dhimasho ama dhaawac, balse uu horseedey dab qabsaday qayb kamid ah xaruntaas isla markaana lagu guuleystay in deg-deg loo xakameeyo.

Xuutiyiinta oo la sheego in ay taageero ka helaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa tibaaxay in weerarka ay u adeegsadeen illaa lix diyaaradood aan duuliye lahayn isla markaana waxyeelo ballaaran u geysteen xaruntaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM