Soomaaliya oo cambaareysay weerar ka dhacay Sacuudiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey ayaa Axada maanta ah waxay sheegtay in ay si adag u cambaareyneyso weerar ay falaagadda Xuutiyiinta ku ekeeyeen garoon diyaaradeed oo ku yaala koonfurta Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho ayaa qoraal ay ku daabacdey barta ay ku leedahay Twitter-ka waxay ku shaacisay in "falkaas uu yahay mid argagixiso ah".

"[Dowladda federaalka Soomaaliya] waxay aaminsan tahay in ficilada noocaan ah aysan u adeegeyn nabadda gobolka ayna wiiqayaa dedaaladda nabadda," ayaa lagu yiri qoraalka oo Luuqada Carabiga ku qornaa.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Soomaaliya waxay ku garab taagan tahay boqortooyada Sacuudiga dhabar-goynta argagixisada".

Shalay ayay ahayd markii Sacuudiga uu shaaciyey in uu fashiliyey weerar loo adeegsaday gantaal lagu rakibay walxo qarxa oo Xuutiyiinta ku tuureen garoonka diyaaradaha Axba isla markaana uusan jirin khasaaro.

Xuutiyiinta oo la rumeysan yahay in ay taageero sahay iyo mid tababar ay ka helaan Xuutiyiinta ayaan wali ka hadlin weerarkaas.

Weerarka shalay ayaa wuxuu kusoo hagaagay maalin kadib markii Dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqdey in ay Xuutiyiinta ka saartay liiska madow ee argagixisadda caalamiga ah. Maamulkii Donald Trump ayaa ku daray liiskaas. Balse waxaa ka qaylo-dhaamiyey UN-ka iyo kooxaha gargaarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM