DF oo ciidamo geysay Beledxaawo xili Axmed Madoobe kusii jeedo Dhoobley

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah waxay ciidamo horleh ka dejisay garoonka diyaaradaha magaaladda Beledxaawo, gobolka Gedo.

Sidda ay wararku sheegayaan ciidamadda oo booliska sidda gaarka ah u tababaran ah waxaa lagu daad-gureeyay diyaarad milatari oo ka qaadey Muqdisho.

Shalay ayay ahayd markii xukuumadda ay ciidamo kale ka dejisay Buur-dhuubo oo isla gobolkaas ka tirsan.

Talaabooyinkaan ayaa kusoo aadaya xili Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubaland, la sheegay in uu ku wajahan yahay magaaladda Dhoobley oo isla gobolkaas ah.

Jubaland ayaa ciidamadda Villa Soomaaliya geysay gobolka Gedo ku tilmaamtay kuwa hurinaya colaad qabiil, waxayna sheegtay in dowladdu mas'uul ka tahay cawaaqibka yimaada.

Axmed Madoobe ayaa la tilmaamay in uu la kulmi doono saraakiisha ciidamada Jubaland ee ku sugan Dhoobley si uu uga hadlo difaaca maamulka iyo baacsiga argagixisada Al-Shabaab.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ku eedeysan in ay qorsheyneyso maamul sharci darro ah oo ay ka aas-aasto Gedo maadaama uusan xiriir fiican kala dhaxeyn hogaanka rasmiga ah ee Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM