DF oo codsi ku saabsan maamuladda dalka u dirtay Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey'adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan oo yeeshay kulan dhanka mareegta Interneetka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalku marayo, gaar ahaan Cudurka Safmarka ah ee COVID-19.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa mas'uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Khayre, ayaa safiirrada u sheegay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19.

Ra'iisul Wasaaraha jamhuuriyadda oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyhiin ayaa ayaa caddeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladaha saaxiibka ah iyo hey'adaha caalamiga ah ay ku xasuusan doonaan hadba sida ay gacanta uga geystaan ka gudbidda xilligaan adag.

Safiirrada iyo wakiillada hey'adaha caalamiga oo bogaadiyay dadaallada dowladda iyo howsha iskudubba ridka ayaa ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad ay u tahay badbaadagda iyo bed-qabka bulshada ayaa dadaalkeeda oo dhan isugu geysay sidii ummadda Soomaaliyeed looga samata bixin lahaa cusurkaan laayaanka ah ee dunida oo dhan dhibaatada ku haya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM