DF oo diyaarisay koox loo tababaray aaska dadka u dhinta Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diyaarisay koox isugu jirta dhakhaatiir iyo culimo oo loo tababaray in ay aasaan dadka uu dilo Coronavirus, sidda uu shaaciyey Cumar Filish.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraa'id oo guddiga heer Qaran ee caabuqa uu kaga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurkaas si fudud ku faafa.

Maamulkiisa ayuu tilmaamay in uu ahmiyadda koowaad siiyey ka hortagga iyo wacyigelinta dadweynaha ee la xiriirta Covid-19.

"Waxaan kaloo diyaarinayey oo taas barbar socota koox loo tababaray sidii loo aasi lahaa dadka u geeriyooda Coronavirus. Sidoo kale, waxaa culimo Soomaaliyeed loo tababaray in ay bulshadda ka wacyi-geliyaan in aaney kusoo xoobmin meydka ama qofka bukaanka ah maadaama cudurkani uu yahay mid khatar ah oo bulshada si fudud ugu faafi kara," ayuu xusay.

Intii uu ku guda jira shirka jaraa'id, Mr Filish ayaa ka dhawaajiyey in duugta ay noqon doonta mid ay ka qeybgalaan "dadka aad u kooban".

Balse ma uusan kala caddeyn goorta la diyaariyey kooxdaas, maadaama tiradda geerida xanuunka ee waddanka ay mareyso todoba bukaan, illaa iyo haatan.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaadey in xaaladaha xanuunka ee dalka ay gaareen 135 kadib markii 25 qof oo la baarey laga helay 19 kamid ah, taas oo ah tirro badan.

Ra'iisu wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horey u amray in la xiro goobaha waxbarashadda lana joojiyey kulamada dadweynaha. Sidoo kale, wuxuu faray Wasaarada Maaliyada in ay min hal milyan siiso maamuladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM