DF oo guulo horleh ka sheegatay dagaalka Beledxaawo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guulo horleh waxay Isniinta maanta ah ay ka sheegatay dagaalkii xalay ka qarxay magaaladda Beledxaawo ee gobolka Gedo kuna dhow xadka Soomaaliya.

Cismaan Abuukar Dubbe, wasiirka warfaafinta oo war-fidiyeenka kula hadlay magaaladda Muqdisho, ayaa shaaca ka dhigay in ciidamadda difaaca Kenya ee KDF ay qeyb ka ahaayeen dagaalkan isla markaana khasaaro kala duwan jiro.

Mr Dubbe ayaa carabka ku dhuftay in uu jiro waxyeelo soo gaarey dhanka ciidamadda dowladda, balse wuxuu kusoo koobay dhaacyo.

Ciidamadda dowladda ayuu ku nuux-nuuxsaday in ay hadda si buuxda u maamulayaan Beledxaawo ayna wehliyaan maamulka gobolka Gedo.

Warbaahinta ayuu la wadaagay sawirro uu ku sheegay in ay yihiin madaafiic ay ciidamadda Kenya iyo kuwa Jubaland oo isku-dhinac ay kusoo weerareen dhigooda Soomaaliya ee fariisinka u ah magaaladda Beledxaawo.

Maxaabiis uu tiradooda ku sheegay in ku dhow 100 ayuu tibaaxay in ay ka qabteen dhinaca kale ee ay la dagaalameen, wallow uusan caddeymo soo bandhigin.

"Waan jeclaa in aan halkan kusoo bandhigo maxaabiista dagaal ee 100-ka ku dhow laakiin wiilasha lasoo adeegsaday waa wiilashayaddii oo qoryaha aan dhaceyn loosoo dhiibay; dhaqanka Soomaaliyeed, diinta islaamka, xeerarka caalamiga ah dhamaan waxay noo diidayaan in aan halkan kusoo bandhigo sawiro laakiin waxaan idin sheegayaa in laga qabtay jabhadii falaagadda ahayd boqol in ku dhow," ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin dhamaan sheegashooyinka wasiir Dubbe. Sidoo kale, maamulka Jubaland ayaan wali ka jawaabin warka ku saabsan in maxaabiis looga qabsaday dagaalkii Beledxaawo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM