DF oo halista dadka kasoo gaarta Covid-19 ka doorbiday olole doorasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u muuqanaya kuwa halis dadweynaha kasoo gaarta safmareenka Coronavirus ka doorbiday olole siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka.

Hogaanka Villa Soomaaliya oo ololaha wadda tan iyo bilowgii todobaadka xorriyadda 26 June illaa iyo 1-da Julaayo ayaa goobaha ay dadka la isugu keenayaan waxaa ka muuqata mas’uuliyad daro caafimaad.

Tani oo khatar ku ah badqabka shacabka ayaa sababi karta in xanuunka uu faafo maadaama ka qeybgalayaasha badankooda aysan u hogaan-samin talaabooyinka looga hortago fayruskaan kasoo bilowday dalka Shiinaha.

Qaababka dunida isku raacday in looga hortago xanuunka waxaa kamid ah; isu imaatinka oo la yareeyo, gacma-dhaqashada iyo af-xirka.

Xukuumadda oo iyadda jabineyso mid kamid ah habraacyada ka hortagga oo ah isu imaatinada oo la joojiyo tusaale ahaan shirarka ayaa dib u furtay duulimaadyadda gudaha oo ah qaab kale oo cudurka ku faafo.

Xayiraadda ay kusoo rogtay duulimaadyadda ayaa ah ololaha siyaasadeed ee lagu cunaqabateynayo maamulada Soomaaliya ee ka biyo diiday xeeraraka sahlaya muddo kororsiga ay doonayaan madaxda Villa Soomaaliya.

Mid kamid ah munaasabadihii ugu dambeeyay ee xukuumadda soo abaabusha oo ay ka qeybgaleen; ra'iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiiro waxaa loogu mahadcelinayey dhalinyaradii ka qeyb-qaadatay dhismaha iyo dayactirka garoonka kubadda cata Muqdisho oo dhowaan dib loo furay.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiisaska Covid-19 ee guud ahaan waddanka ay marayaan 2,961, bogsashadana ay sii cagacageyneyso 973, geeriduna ay illaa iyo haatan mareyso 92.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM