DF oo iibinta manhajka mideysan ku wareejisey shirkad gaar loo leeyahay
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shirkad gaar loo leeyahay waxay ruqsad gooniya u siisey in ay iibiso manhajka lagu muransan yahay kaasoo dhowaan uu si rasmiya daahfuray madaxweyne Farmaajo.
Manhajkaan oo ka kooban fasalada kala duwan ee Waxbarashada Dugsiga waxaa calaamad su'aal ka taagan tahay qaabka uu ku dhaqan-gelayo maadaama ay ka biyo-diideen qaar kamid ah Daladaha Waxbarashada.
Iyadoo caqabadaas ay jirto, Wasaaradda Waxbarashada ayaa shirkad gaar loo leeyahay u ogolaatay in ay noqoto mid kaliya ee lacagta ka sameyn karta, arrintaas oo durba ay cabasho ka muujiyeen dugsiyadda.
Tabashadaan ayaa la xiriirta qiimaha ay shirkadda iibineyso. Qaar kamid ah maamuleyaasha iskuulada Muqdisho waxay wariyeen in qiimaha uu ka badan yahay inta ay wasaaradda kula heshiisay shirkadan.
Heshiiska wuxuu xeerinayaa in shirkadda ay iibineyso buugaagta fasalada dugsiga hoose iyo dhexe aduun dhan $2 [laba Doolar]; halka fasalada dugsiga sarre ay ku beecin karto lacag gaareysa $2.5 [laba doolar iyo bar].
Cabashooyinka kale ee durba soo wajahey Manhajka waxaa ku jira ay dhamaadeen qaar kamida Buugaagta, qaarna aysan helin.
Waalidiinta oo cambaareeyay qiimaha sarre ee shirkadda ku iibineyso Buugaagta ayaa ka codsaday dowladda federaalka ah in ay soo farageliso.
"Dowladda hadii aysan bilaash nagu siin karin waxbarashada iyo buugaagta Manhajka waxaan dalbaneynaa in ay naga dhiciso shirkada lacagaha dheeriga ah dul-saaraneysa," ayuu yiri waalid u waramay Garowe Online.
Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka waxbarashadda federaalka oo qirtay in uusan la socon "wax is-dabamarinta," ayaa wuxuu ku adkeystay in shirkada aysan iibin kartin qiimo ka badan inta ay qandaraaska ku siiyeen shirkada.
"Dowladda Soomaaliyeed canshuur ma qaado ha noqoto dowlada dhexe ama maamul goboleed, furdadaas [dekada Muqdisho] ayay masafuurataa, iyo eelaboorkaas [garoonka diyaaradaha Muqdisho] oo isagaba hada soo yaraadey oo jaadka kaliya ahaan jiray oo Soomaali oo dhan lagu qabto oo wax walba oo dowladda qabato lagu qabto ayaa horta dakhli ah, waddanka illaa uu kusoo noqdey sidda aduunka oo canshuurta la bixiyo in adigana adeeg tayo leh heshid oo qiimo leh way adkaaneysaa," ayuu u sheegay Universal Tv.
Qaar kamida mas'uuliyiinta waqtiga kasii dhamaanayo ee dowladda Soomaaliya ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan in mudada uga hartay ay jagooyinka ay hayaan ugu eexanayaan shaqsiyaad ku heeb ah ama dano kale ay wadaagaan.
GAROWE ONLINE